🔥 Burn Fat Fast. Discover How! 💪

Taariikh

Logo of telegram channel taariikh_somali — Taariikh T
Logo of telegram channel taariikh_somali — Taariikh
Channel address: @taariikh_somali
Categories: Uncategorized
Language: English
Subscribers: 863
Description from channel

Xogaha, Siraha Aadenaha, Falanqaynta Dhacdooyinka Taagan. Dib u raacidda Taariikhda. Iwm.
Soo dhawoow.
Nagala Soo xiriir📩: @Sooyaal_Admins_Bot

Ratings & Reviews

2.67

3 reviews

Reviews can be left only by registered users. All reviews are moderated by admins.

5 stars

0

4 stars

0

3 stars

2

2 stars

1

1 stars

0


The latest Messages 7

2022-04-10 21:39:11
Shacabka Pakistan oo caawa taageero aan horay loo arag u muujiyay R/wasaarahooda. Iyo malaayiin mudaharaadayaal ah oo isugu soo baxay magaalooyinka waawayn ee dalkaas.

Imran khan ayaa sidoo kale toos u sheegay in mu'aamaradda loo maleegay ay mareekanku bari-taarayeen

HOGAAMIYE KASTA SHACABKIISA AYAA DIFAACDA
749 views18:39
Open / Comment
2022-04-09 13:37:24
Halkani waa yurub.

Maaha filimadii Hollywood ee waa waxa maanta, shalay, darraad iyo maalmihii aynu soo dhaafnay ka socday Yukrayn yurub.
1.1K views10:37
Open / Comment
2022-04-09 08:51:25 Labadii dagaal ee waawaynaa ee qarnigii hore Dunida soo maray Cidda ugu wayn ee ka faa'idday waa:

1: waa maraykan oo quwadihii reer yurub markay iyagu isku baaba'een Booskoodii ka dhaxlay, iyagiina in isaga wada raaca kadhigtay.

2: Cidda labaadna waa Dawladihii la gumaysanayay oo badankood helay xuriyad - waraabe u taag ah-
942 views05:51
Open / Comment
2022-04-09 08:43:10 Ingriisku marka uu dal Gumaysto waa uu yaqaan Sida dawladda dalkaa loo dumiyo, iyo sida dawlad maqaar saar ah loo dhiso. Tusaale-na waxaa noogu filan dalal badan oo uu soo gumaystay markuu ka baxayay sida uu wax U amaamuday qaab xunba ha u dhisee. Sida India. Iyo bakistaan.

Lkn maraykan sida wax loo dumiyo waa ku xeeldheer yahay lkn sida dawlad loo dhiso wallay ka tahay. Meel uu wax ka bilaabo ma yaqaanno. Tusaalena waxaa noogu filan wixii helay Dawladdiisii afgaanistaan. Iyo Tii uu ciraaq ka dhisay Oo wax ay la joogto aan la garanayn iwm.
917 views05:43
Open / Comment
2022-04-09 08:34:29 Xuquuqda Aadanaha Ee reer galbeedka, Waa beenta 2aad ee ugu wayn Casrigan aynu joogno. Marka laga yimaado beenta ah Iiraan waa "Jamhuuriyad Islaami ah"

- prank-yada u waawayn ee caalamka la isku marin habaabinayo

#منقول
827 views05:34
Open / Comment
2022-04-06 10:17:18 Hindida Xagjirka ah Ee Gobolka Raajistaan, Hindiya Ayaa gubay in ka badan 40 Guri oo Muslimiinta gobolkaas leeyihiin.

Ogsoonow Hindiya waa mid kamida dalalka ugu muslimiinta badan Dunida, Waxaana kunool ilaa 200 oo milyan oo muslim.
Muslimiintuna waxay dalkaas ka ariminayeen In ka badan 8 Qarni. Ilaa xukunkoodii u danbeeyay la riday 1858 dii.
1.1K views07:17
Open / Comment
2022-04-05 20:07:20
Xadaaradda Maraykanka.

Muusil, Ciraaq. Magaalo ay kunoolayeen 3Milyan oo qof. Maraykanka ayaa Duqayn dhulka kula simay laba jeer oo kala ah 2003dii iyo 2017kii. Iyadoo aan la kala saarayn Guri, Masjid, Cisbitaal, iskuul, iwm.
Wax ka badbaaday ma jirin, hadana Waxaa Layaab leh iyadoo waxaas oo dhan ay dhaceen In aan hal warbaahin ah xataa laga maqal intay Duqaymahaas Socdeen Qof ayaa ku dhintay magaaladaas.

Macquul ma tahay Iyadoo guri duqayntaas ka badbaaday uuna jirin In Hal qof xataa wax ku noqon waayo Duqaymahaas? mise warbaahintaa Xaqiiqdii jirtay Dabooshay?
1.2K views17:07
Open / Comment
2022-04-04 20:46:23
Taangiyadii Iyo Hubkii Cuslaa ee Ruushka oo wadooyinka Magaalda Butsha, Yukrayn ay qabuuro u noqdeen.
Ruushka waxaa haysta Inkaartii Reer Suuriya Liibiya, Qirim, Shiishaan iyo Dhamaan dadkii Uu dhibka u gaystay.

Imbaraadooriyaddi Ruushku hadii ay dagaalkan ku fashilanto Iska ilow Ruush danbe.
Taariikhda ayay Ka masaxmi doontaa
1.3K views17:46
Open / Comment
2022-04-04 20:34:46
Masjid Cusub oo Muqdisho laga bineeyay Noqonayana Kan ugu wayn Soomaaaliya. Iyo mid kamida Kuwa ugu waawayn Afrika.
Masjidkan ayaa loo dhisay Naqshaddi Cuthmaaniyiintu u dhisi jireen baytka Alle.
1.2K views17:34
Open / Comment
2022-04-03 10:57:04 1948 illaa Hada Pakistan waxaa ka dhacay ilaa afar afganbi. Taasoo dhaqaalaha iyo hormarka dalkaas aad u ragaadisay. Halka dalka dariskooda ah (Hindiya) uuna wax afganbi ah kadhicin.
Pakistaan ayaa waxaa lagu yaqiinnay inay kamid tahay dalalka maraykanka daba socda oo wax walba uu ka dalbado haa yiraahda.

Iyadoo taasi jirto ayaa maraykanku mar walba yasi jiray, oo uu hindiya ka dhawaysan jiray.

Raysal wasaaraha Cusub ayaa qorshe cusub la yimi oo ah maslaxadda dalka ayaa wax walba ka horeysa, taasoo sababtay in qorsheyaal badan oo uu maraykan watay MAYA la yiraahdo.

Waana ta sababtay weerarka culus ee uu baryihii danbe la kulmayay, balse mar haduu hada ka guulaystay mucaaradka iyo Reer galbeedkii iswatay, waxay u badantahay siyaasada dalkiisa ee dibada iyo gudaha in sidii uu rabo u maamuli doono. Shiinaha iyo Ruushkana uu usii dhawaan doono.
1.4K views07:57
Open / Comment